Qaramada Midoobay: “22,000 oo Yamaniyiin ah ayaa ku barakacay dagaaladii Ma’rib”

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa ku dhawaaqay in kabadan kala bar dadka Yaman ay wajahayaan cuno yari baahsan, Afhayeenka ayaa xusay in 5 milyan oo qof ay talaabo u jiraan in ay u geeriyodaan Gaajo.

“Colaadu waxay wali ka socotaa qeybo ka mid ah dalka Yaman, haba ugu darnaato magaalada Marib, halkaas oo ay ku barakaceen in ka badan 22,000 oo qof tan iyo horraantii bishii Febraayo,” ayuu yiri Stephane Dujarric, intii lagu jiray shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Waxaa xusid mudan in magaalada Ma’rib tan iyo bishii Feberaayo ee la soo dhaafay ay ka socdeen weerarada ay soo qaadayeen xogaga Xuutiyiinta, inkasta oo ay isa soo tarayaan baaqyada caalamiga ah ee lagu  dalbanaayo joojinta dagaalada ka socda halkaas.

Toddobaadyo ka hor, waanwaan ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay ayaa laga bilaabay  Yaman si loo baajiyo Dhiiga Shacabka lagu dul dagaalamayo, laakiin maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa wali sii wada weerarada ay la beegsanayaan Ciidamada Yaman iyo kuwa Isbaheysiga.