Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlay Qarax lala beegsaday kolonyo uu la socday (VIDEO)

Qarax miinada dhulka la geliyo ah ayaa subaxnimadii hore ee maanta waxaa lala eegtay gaadiid kolonyo Ciidan ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Mas’uuliyiinta la socday kolonyada weerarka lala eegtay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamad Gallan, Taliyaha Ciidamdda Daraawiishta Puntland Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Abwaan.

Wasiirka Amniga Puntland Abdisamad Mohamed Gallan, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Qaraxa miino uu ku dhintay hal Askar, halka ay ku dhaawacmeen 2 Askari oo kale, isagoona ku eedeeyay kooxda Daacish inay ka dambeysay Qaraxan.