3 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay Garoowe iyo Qardho (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa ku toogatay magaalooyinka Garoowe iyo Qardho saddex xubnood oo kamid ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo horey xukun dil ah ugu riday Maxkamadda Ciidammada Puntland.

Labo kamid ah xubnaha la toogtay ayaa lagu dilay fagaare ku yaalla duleedka magaalada Garoowe, halka xubinta kalena lagu toogtay magaalada Qardho.

Sidoo kale, Puntland ayaa maanta ku toogatay magaalada Gaalkacyo 18 kamid ah maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dambeeyay falal isugu jira dilal iyo Qaraxyo oo muddo 13 sanno ah ka dhacayay magaalada Gaalkacyo.