Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Xeer muhiim ah (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga soo xaadiray 49 Mudane.

Ajanadaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Hindise Xeereedka Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland oo Goluhu ku sameynayey akhriska seddexaad ka dib markii Guddiga Dhawrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ahi ku sameeyeen wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda la xiriirta hindise xeereedkan.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa qodob-qodob uga doodey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Ugu dambeyn, Golaha Wakiillada Puntland wuxuu maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Xeerka Xarunta Maareynta Xogaha Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland, waxaana oggolaaday 48 Xildhibaan, diidmo ma jirin, waxaana ka aamusay hal mudane.