DFS oo cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Wisil ee Gobalka Mudug

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarkii ay argagisada Al-Shabaab saakay ku qaadeen shacabka degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ay dishay argagixisadu.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin deg deg oo loogu gurmanayo shacabka reer Wisil, oo saakay muujiyey geesinimo, iskana caabiyey maleeshiyaadkii soo weeraray.

Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in 41 xubnood kooxda looga dilay dagaalkii saakay barqadii ka dhacay Wisil, halka tiro intaas ka badan looga naafeeyey.