Gudoomiye Sanyare “Waxaan fulinay mid kamid ah yoolashii aan ka lahayn inaan ku sifayno Argagixisada Al-Shabaab”

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay xukunka dilka ah ee saaka lagu fuliyay 18 kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab, ee dilalka iyo Qaraxyada ka fulin jiray Magaalada Gaalkacyo.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Guddoomiye Sanyare.

Allaahu_Akbar

Waxaan hada ku fulinay Xukunkii Maxkamadeed 18-kii xukumane ee ahaa Shabakadii ugu waynayd Ururka Argagixisada Al-shabaab ee mudada 13 sanaa dhuumashadaa iyo sida Arxan darida ah ku laynayey Bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Xukunkan Maxkamadeed waxaan ka fulinay Magaalada Gaalkacyo, 18-kii Xukumane Waxaana marinay dariiqii ay mariyeen haldoorka-yagii oo ahayd inaan ka gudno Qisaasta.

ka maamul ahaan waxaa fulay mid kamida yoolashii aan ka lahayn inaan kaga sifayno Ururka Argagixisada Alshabaab guud ahaan Gobolka Mudug, intaan ka xasuusano waa tiradii ugu badnayd abid ee soomaaliya oo halmar goob fagaaraa lagu toogto, waa maalin taariikhiya maanta oo dhaxal wanaagsan oo ay ku faani karto unoqon doonta Magaalada Gaalkacyo.

Alxamdulilaah
Allaahu Akbar