Madaxweynaha Masar oo booqasho taariikhi ah ku tagay dalka Ciraaq (VIDEO)

Madaxweynaha dalka Masar oo booqashadii ugu horreysay ku tegay dalka Iraq iyo Shirweyne u furmay Madaxda Iraq, Masar iyo Urdun

C/Fataax El-Sisi waxa uu Maanta booqasho rasmi ah ku tegay caasimada dalka Iraq ee Baqdaad,  waana Socdaal u horeeyey ee Madaxweyne Masaari ah ku tago dalkaasi muddo 30 sano ah.

Madaxweynah Masar waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey dhigiisa dalkaasi, Barham Salah iyo RW Mustafa Al-khidaami.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha dalalka Iraq, Masar iyo Boqorka Haashimiyada Urdun ayaa la filayaa inay yeeshaan Shirweyne Saddex Geesood ah oo ay kaga xaajoonayaan Danaha iyo Iskaashiga dalalkaasi.

Shirkaasi ayaa ah Shirweynihii 4-aad ee Iskaashiga we dalalkaasi oo iyago Isbahaysi saddex geesood ah samaysay bishii.