Madaxweynaha Puntland oo fariin u diray Dowladda Jabuuti

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa hambalyo ku aadan xuska 27-June oo ku beegan sanad-guuradii 44-aad ee kasoo wareegtay xornimada Dalka Jabuuti, u diray Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti.

“Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee dalka Jabuuti waxaan ugu hambalyeynaya munaasabadda 27-June, sanad-guuradii 44-aad ee kasoo wareegatay markii ay xornimada qaadatay” ayuu yiri Madaxweyne Said Abdullahi Deni.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 1977-dii ka qaadatay xornimadeeda Faransiiska, waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka soconayaan Magaalooyinka dalka Jabuuti.