RW Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada oo caawa kulan yeelanaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayasha Dowlad Goboleedyada ee hadda ku sugan Muqdisho ayaa caawa kulan casho ah ku leh Hoteelka Decale ee ku yaala gudaha garoonka Aadan Cadde.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in kulanka oo ah is-xogwareysi loogu gogol xaarayo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa qaadacay shirka uu ku baaqay Ra’iisul wasaaraha ee lagu waday in uu Maanta ka furmo Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saacadihii la soo dhaafay Waxa uu waday dadaalo xooggan uu ku doonayay in shirka uu yimaado Madaxweyne Guudlaawe.Madaxweyne Guudlaawe ayaa ku maqan dalka Turkiga oo uu aaday dhowr cisho ka hor.