VIDEO: Somaliland oo Maxkamadeynaysa dhalinyaro la soo baxay Calanka Soomaaliya

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay degaannadooda ku xireen in ka badan 50 Dhalinyaro ah, kuwaas oo la soo baxay Calanka Soomaaliya, iyaga oo xusayay 26-ka June oo ku beegan markii gobolada Waqooyi ay xurnimada ka qaateen Gimeystihii Ingiriiska.

Dhalinyarada la xir xiray oo badankood ku sugan Magaalada burco iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Togdheer ayaa ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen  meel ka baxsan magaalada.

War kasoo baxay Booliska Soomaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyarada ay xireen la hor gayn doono maxkamad iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkooda.

Sidoo kale Booliska Somaliland ayaa sheegay in laamahaha amniga ay ka warheleen in dhalinyaradaan ay hagayeen dad dano gaar ah leh , isla markaana ay ku raad joogaan lana soo qaban doono.

Somaliland ayaa degaannada ay maamusho waxaa dhowr jeer lagu xir xiray dad ku labisnaa dhar ka sameeysan Calanka Soomaaliya iyo fanaaniin yimid Magaalada Muqdisho.