WAR DEG DEG AH: 18 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu toogtay Gaalkacyo

Maxkamadda Sare Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay 18 kamid ah maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dambeeyay falal isugu jira dilal iyo Qaraxyo oo muddo 13 sanno ah ka dhacayay magaalada Gaalkacyo.

Toogashadan ayaa ka dhacayday fagaare ku yaalla duleedka Gaalkacyo. Xubnaha la toogtay ayaana waxaa ku jira horjoogayaal sare oo wareysiyo laga qaaday ku qirtay in ay hoggaamin jireen Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.

Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah horjoogayaasha saaka lagu toogtay Gaalkacyo.