Al-Shabaab oo fagaare ku yaala degmadda Saakow ku toogatay 6 Qof

Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala degmadda Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe ku toogtay Axadii Lix ruux, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku eedeysay inay u shaqeeyaan sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in Boqolaal qof ay u soo daawasho tageen toogashada 6 qof, oo mid kamid ah ay aheyd Haween.

Halkaan hoose ka Akhriso Magacyada dadka Al-Shabaab ku fulisay dilka toogashada ah.

1_ Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale oo (36) jir.

2_ Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah.

3_ Fartuun Cumar Abkow oo (36) jir ah.

4_ Ibraahim Cumar Cali oo (55) jir ah.

5_ Saaddaam Cismaan Maxamed oo (21) jir ah.

6_ Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo (36) jir ah.

Al-Shabaab ayaa toogashadan fulisay saacado kaddib markii magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Qardho ee Puntland lagu toogtay 21 kamid ah maleeshiyaadkeeda, kuwaas oo lagu helay inay ka dambeeyeen dilal iyo Qaraxyo ka dhacay deegaanada Puntland.

Idilnews