Cali Guudlaawe oo lagu qanciyay ka qeybgalka Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo maanta furmay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa kulan Khadka Taleefoonka ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein, kaas oo lagu xaliyay tabashadii Cali Guudlaawe ee Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran.

Qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in wada-hadalka lagu go’aamiyay in Madaxweyne Guudlaawe uu aalada ZOOM uga qeybgalo Shirka oo maanta furmaya.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM”.

Idilnews