Karaash “Puntland waxaa ka go’an sidii laysaga kaashan lahaa ka hortagga kooxaha Argagixisada ah”

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa ka hadlay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay Axadii ku qaaday saldhig ay Ciidanka Galmudug ku lee yihiin deegaanka Wisil ee Koonfurta ee Gobalka Mudug.

Waan uga tacsiyeynayaa dowladda iyo shacabka Galmudug weerarkii gaadmada ahaa ee kooxaha argagixisadu kusoo qaadeen deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka mudug, Eebbe naxariistii janno haka waraabiyo intii ku shahiidday inta dhaawaca ahna alle ha u booga dhayo”.

“Dawladda iyo shacabka Galmudug waan ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee ay iskaga difaaceen kooxaha kasoo horjeeda amniga iyo horumarka ummada soomaaliyeed”.

“Dawladda Puntland waxa ka go’an adkaynta amniga ee gobolka iyo sidii laysaga kaashan lahaa ka hortagga kooxaha argagixisada ah”.