Mareykanka oo weeraray koox ay Iiraan taageerti

Duqeymo Mareykanka ay fuliyeen oo ka dhan ah maleeshiyo ay Iran taageerto oo ku sugan xuduudda Iraq iyo Syria ayaa lagu dilay ugu yaraan toddoba dagaal-yahan, saacadihii hore ee Maanta.

Weerarkan ayaa dhaliyey baaqyo deg deg ah oo ku saabsan in laga aarguto, wuxuuna sare u qaaday cabsida laga qaabo inay kasii darto xiisadda Washington iyo Tehran.

Duqeyntan oo ah tii labaad ee nooceeda ah ee lala beegsado bartilmaameedyo ay taageerto Iran, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Pentagon-ka wuxuu ku qeexay “aargudasho”, waxeyna kusoo aaday ayada oo la isku dayayo in dib loo soo nooleeyo heshiiska barnaamijka nukliyeerka Iran.

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka John Kirby ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in saddex xarun oo militari oo ay adeegsato maleeshiyo ay Iran taageerto, la garaacay – Laba ku yaalla Syria, iyo mid Iraq ah.

Kirby ayaa sheegay in bartilmaameedyada ay adeegsadaan “maleeshiyo ay Iran taageerto, oo ku lug leh weeraro loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (drone) oo ka dhan ah shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka ee Iraq.”

Kataeb Hezbollah iyo Kataeb Sayyid al-Shuhada, oo ah laba koox oo hubeysan oo Iraqi ah, islamarkaana xiriir dhow la leh Tehran, ayaa ka mid ah “maleeshiyooyin dhowr ah oo Iran ay taageerto” oo xarumahan adeegsada, sida uu sheegay Kirby.

Danaha Mareykanka ee Iraq, halkaasi oo ay ku sugan yihiin 2,500 oo askar Mareykan ah, ayaa waxaa sanadkan lala beegsaday 40 weerar, oo isugu jira kuwa loo adeegsaday drone, iyo gantaallo toos ah.