VIDEO: Dhoofinta xoolaha oo ka socota Dekedda magaalada Boosaaso

Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa saxmad aad u sareysa, iyadoona laga rarayo kumanaan xoolo ah oo isugu jira Geel, Ari iyo lo’, kuwaas oo loo dhoofinayo dalalka khaliijka, sida Sucuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Cumaan iyo Baxreyn.