Wasiirka Amniga Puntland oo baaq u diray Shacabka Puntland (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa ka hadlay Amniga guud ee deegaanada Puntland, gaar ahaan Amniga deegaanada Buuraleyda ah ee Gobalada Bari iyo Sanaag.

Wasiir Gallan oo la hadlay Bulshada degmadda Bali-dhidin ee Gobalka Bari ayaa sheegay in Ciidanka Puntland ay heegan u yihiin la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, isagoona ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Ciidanka.