Xasan Sheekh oo booqday dhaawacyada dagaalkii Wisil (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday dhaawacyada weerarkii Wisil ee yaalla isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta gacanta ku haya dhaawacyada iyo maamulka isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyay sida ay ula tacaalayaan dhaawacyada.

Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in loo midoobo la dagaallanka Al-shabaab, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in laga ciribtiro Soomaaliya.

“Waxaan shacabka, mas’uuliyiinta heer gobol & Federaalba ugu baaqaayaa in loo midoobo ciribtirka argagixisada. Lama aqbali karo in cadowgu laayo shacabkeenna” ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkii Wisil isaga oo dhaawacyada boqsosho degdeg ah u rajeeyay . “Eebbe ha u naxariisto muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii #Wisil, bogsosho degdeg ahna ha siiyo dhaawacyada” ayuu raaciyay.