XOG: Maxaan ka naqaanaa Horjoogaha cusub ee Al-Shabaab u soo magacowday Gobalka Mudug ?

Farxaan Xarfe Xuseen Xiireey,waa soddon iyo sideed jir ku dhashay Bariga Gobolka Mudug,gaar ahaan miyiga Tuulada Sallax,kasoo jeeda Beesha Majeerteen Cumar Maxamuud Reer Mahad.

Hooyadiis waxay dhimatay isaga oo yar,waxa uuna kusoo koray rajanimo.

Magaalada Gaalkacyo waxuu soo galay 1996,waxaana keenay walaalkiis Abshir Xarfe,isagoo ku soo dagey Guriga Abshir.

Farxaan waxa uu Quraanka ka dhigtay, Dugsiga Macallin Yaasiin oo ku dheggan Guriga Islaweyn.

Waxbarashada iskuulka waxa uu ka bilaabay, iskuulka Ummadda ee magaalada Gaalkacyo, isaga oo aan dhammaysan Dugsiga Dhexe,ayuu ka saaqidey.

Mar dambe ayey walaalihiis waxay xoogga saareen inuu waxbarashada ku noqdo, waxa ayna geeyeen Dugsiga Cumar Samatar Galaaska 1-aad illaa Galaasja 4-aad ee Dugsiga sare,ayuu ku dhammaystay,inkasta oo uusan waxbarashada ku fiicnayn oo uu ahaa nin Damiin ah oo fahmad xun.

Farxaan waxay walaalihiis oo dedaalaya u soo bandhigeen in uu Jaamacad aado waase uu ka diidey, oo waxa uu ka doorbiday in uu iska dhalinyareeyo oo kooxo Kubada Cagta ah ku biiro, waxa uuna Kabtan ka noqday Koox la oran jirey. “Sixa”.

Sixa waxay ahayd Warshad Biyaha sifaysan samaysa waxaana lahaa Farxaan Walaalihiis.

2006-dii waxaa Farxaan u yeeray walaalihiis waxayna u sheegeen in ay dhoofinayaan,iyagoo geeyey Nayrobi Kenya,balse waxa uu ku dhacay waraysigii Dacwada.

Mar kale ayay Boos u gadeen waxayna ka bixiyeen, $15,000 oo Qorshe cusub oo dhoof loogu diyaariyay,balse kaasina waa socon waayay.

Farxaan qorshayaashii Dhoof markay ka fashilmeen waxuu dib ugu soo laabtay Gaalkacyo,iyadoo mudo markuu joogay uu bilaabay in uu la dagaalamo Walaalihiis oo uu mar Xabadeeyay.

Kadib waxuu isku dayay in uu tahriibo,waase kasoo fashilantay dib,ayuuna ugu soo laabtay Mudug.

Farxaan soo laabashadiisii kadib waxuu ku biiray Ururka argagixisada ah ee Alshabaab,isagoo mudo kasoo dagaallamay koonfurta Somaliya,gaar ahaan Aagga Kismaayo.

In mudo ah kadib waxa uu soo kexeeyey dhawr dhallinyaro ah oo argagixisada ka mid ah waxa uuna damcay in uu mariyo xudduuda Itoobiya iyo Somaliya,waase la qabtay isaga iyo raggii la socdey,lana geeyey Magaalada Bookh,waxaana loo dhaadhiciyay Jigjiga oo lagu xukumay Xabsi Daa’in.

Markii uu 4-sano ku jirey Xabsiga,ayuu isbaddalkii Itoobiya ee maxaabiista badan lagu soo daadey, ku soo baxay. Waxaana laga dejiyey magaalada Xamar, waxa uuna si caadiya ugu soo noqday magaalada Gaalkacyo,oo uu ka furtay Maqaaxi Cunto macaan oo Kalluun iyo Digaag laga cuno.

2019 horraantiisii,ayuu hadana Gaalkacyo ka baxay,isagoo tagey Magaalada Xarardheere oo uu kula kulmay Rag Argagixisada ka mid ah.

Mar kale,ayuu Gaalkacyo iyo Maqaaxidiisii ku soo noqday, 2020 markii Madaxwayne Saciid Deni Gaalkacyo tagey oo baaritaanada xooga leh laga bilaabay Magaalada,ayuu ucararay Xarardheere.

Markii Shabakaddii argagixisada Mudug la qabqabtay,lana xirxiray,ayaa Shabaab waxay usoo magacaabeen Madaxa hawlgalada Gaalkacyo.

Farxaan Dadka aadka uyaqaan oo aan xog waraysanay,waxay ku tilmaameen Nin fuley ah oo karti yar balwadana aad u isticmaala oo Garasho liita.

Jibril Qoobey.