Abiy Ahmed oo la xariiray Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa xariirka khadka Taleefoonka ah la sameeyay Dhaxal-sugaha Dalka Imaaraadka Carabta Mohamed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, saacado uun kaddib markii Ciidanka TPLF ay dib u qabsadeen magaalada Maqalle ee caasimadda Ismaamulka Tigray.

Abiy Ahmed iyo Mohamed bin Zayed ayaa ka wada-hadlay xariirka Labada Dalka iyo xaaladihii ugu dambeeyay dalka Itoobiya. bin Zayed ayaa soo dhaweeyay xabad-joojinta uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed, taas oo ay ku gacan seyrtay TPLF.

TPLF ayaa horey ugu eedaysay Imaaraadka Carabta inuu si toos ah uga qayb qaatay dagaalka Tigray, inkasta oo aan caddayn buuxda loo hayn.

Idilnews