Akhriso: Go’aamo cusub oo laga soo saaray Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka

Shirka Golaha wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo labo maalmood uga socday magaalada Muqdiasho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, ayaa goor-dhaweyd lasoo gaba-gabeeyay, waxaan laga soo saaray Jadwal iyo go’aamo cusub.

Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Shirka Golaha Wada-tashiga Doorashooyinka.

Golaha wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada uga socday Muqdisho

.JADWALKA DOORASHADDA

1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)

2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)

3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)

4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)

5. Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)

6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)

7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021

)Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:-

Golaha oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

– Ra’iisal Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

DHAMMAAD