Dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish

Dagaal u dhexeeya Ciidammada Amniga Puntland iyo maleeshiyaadka kooxda Daacish ayaa ka dhacay deegaanada buuraleyda ah ee hoostaga degmadda Balli-dhidin ee Gobalka Bari.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Daacish, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.

Wasiir Gallan oo wareysi siinayay Warbaahinta ka hadasha afka Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay khasaare baaxad leh gaarsiiyeen Kooxda Daacish, ayna ka dileen maleeshiyaad kamid ah Kooxda iyo saanad ay wateen.

Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews