Guddoomiye Sanyare oo la kulmay Bulshada deegaanka Buubi ee Gobalka Mudug (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa kulan la qaatay Maamulka, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Dhalinyarada Deegaanka Buubi.

Maamulka iyo Odoyaasha Deegaanka ayaa Gudoomiyaha uga warbixiyey xaaladihii udanbeeyey iyo baahiyaha deegaanka Buubi.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahaceliyey Bulshada Deegaanka Buubi soodhawaynta iyo Warbixinadooda ku saabsan deegaanka, isagoona balan qaaday in ka Gudoomiye ahaan in wax-badan uu ka qaban doono baahiyahooda Deegaaneed.