Madaxweynihii hore ee South Africa oo lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah, kadib markii maxkmada sare ee dalkaasi ku heshay dambi ah inuu ixtiraami waayay amar ka soo baxay maxkamadda oo ahaa inuu horyimaado.

Eedeymaha loo heysto Jacob Zuma waxaa ka mid ah musuq-maasuq iyo fadeexooyin dhaqaale mudadii xilka uu hayay 2009 ilaa 2018-kii.