Maxkamadaha iyo Booliska Puntland oo la barayo ilaalinta Xaquuqda Aadanaha (VIDEO)

Xafiiska Difaacaha xaquuqda Aadanaha Puntland ayaa tababar ku saabsan Isla-xisaabtanka Xuquuqda aadanaha ugu qabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Maxkamadaha, Xeer ilaalinta iyo Booliska Degmooyin gaaraya 5 degmo, oo kamid ah Puntland.

Degmooyinka Tababarka ka faa’ideysanaya ayaa kala ah Xarfo, Boocame, Taleex, Dangorayo, iyo Godob-jiiraan, oo ka kala tirsan Gobalada Mudug, Nugaal iyo Sool.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Puntland Ilyaas Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Wasaaradda Cadaaladdu dadaal badan galisay dhowrista xaquuqda muwaadiinta Puntland iyo sameynta xeerarka ku shaqada leh, isagoona kula dardaarantay ka qeybgalayaasha tababarka inay si wanaagsan uga faa’ideystaan casharada, ayna ku dabakhaan shaqooyinka ay bulshada u hayaan.