Puntland oo xirfadaha gacanta bartay 80 Carruur ah oo laga soo aruuriyay furimaha dagaalka (Sawirro)

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa caawa magaalada Garoowe ku qabatay xaflad ay ku qalanjabiyeen 80 carruur da’yar ah oo la baray xirfadaha gacanta.

Dufcadaan maanta qalin-jabinaysa ayaa ah dufcadii 3aad kuwaas oo da’dooduna ay u dhaxayso (13 jir ilaa 18 jir) lagana soo kala xulay guud ahaan gobolada dowlada Puntland si gaar furrimaha colaadaha.

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland ayaa waxay bar-baarita dufcadaan gacanta ku haysay November 2020 – June 2021 (8 Bilood) iyadoo qof walba uu helay fursad uu wax kubartay si gaar ah aqoonta aas-aasiga ah iyo farsamooyin gacmeed oo sahli kara in marka uu arday kasta ku laabto deegaankiisa u shaqaysan karo naftiisa, nolosha qoyskiisana wax ka badali karo.