Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobalka Gedo (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo oo ka kooban afar xubnood oo heer Wasiir ka socda afarta Dowlad Goboleed ee Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, kuwaasoo safar ku tagaya Garbahaarey.