Somaliland oo Laascaanood ka mamnuucday Shirarka ku saabsan doorashada Soomaaliya

Maamulka Somaliland ayaa ka mamnuucay Hoteelada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool shirarka iyo xafladaha ku saabsan doorashada Soomaaliya. Somaliland ayaa uga digtay Mulkiilayaasha iyo Maamulka Hoteelada inay jabiyaan go’aankeeda.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Gobalka Sool ee Maamulka Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa lagu amray Ciidanka Booliska inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Hoteelada iyo guryaha magaalada Laascaanood, ayna talaabo ka qaadaan cidii ku xadgudubtay amarka kasoo baxay.

Idilnews

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.