130 qof oo ku dhintay kuleyl daran oo ka jira Dalka Canada

Dad tiro badan ayaa ku dhintey wadanka Canada, ka gadaal markii kuleyl aan la qiyaasi Karin uu ku kordhey heer kulka.

Booliiska Vancouver ayaa sheegay iney jiraan dad si deg deg ah u dhintey, kuwaasoo gaaraya illaa iyo 130 qof tan iyo jimcihii.

Inta badan dadka dhintey waa kuwo waa yeello ah, ama cuduro xun qaba.

Sidoo kale, kuleylka xad dhaafka ah ee jira, ayaa qeyb weyn ka ah dhimashada dadka tirada badan.

Shaley ayuu dalka Canada diiwaan galiyey, taariikhda heer kulkii uggu sareeyey oo gaarayey 49.5c, saddexdii maalmood oo is xig xigtey magaalada Lytton ee gobolka British Columbia.

Toddobaadkii hore iyo intii ka horeysayba, heerkulka dalkan Canada ayaanan ka sara mari jirin 45C.

Hirarka heerkulkan oo cadaadikiisu sareeyo ayaa ka imanaya dhanka waqooyiga galbeed ee Canada iyo Mareykanka.

Khuburada ayaa sheegeysa in isbaddalka cimiliada la rajeynayo inuu sara u qaado dhacdooyinka jawiga, sida hirarka kulul.

Si kastaba ha ahaatee, in la lala xiriiriyo dhacdo waliba oo timaada is baddalka cimilada dunida, waa wax aad u adag

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.