Ciidanka Booliska oo qabtay Rag dhac ka geysan jiray Muqdisho (VIDEO)

Taliska Booliska degmada Kaaraan iyo mas’uuliyiinta Maamulka degmada ayaa howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaas waxaa ay gacanta ku dhigeen Koox Burcad ah oo dhac grysatay.

Howlgalka ayaa wqxaa sigaar ahooga sameeyay xaafadaha Jamhuuriya iyo xaafadaha ku dhaw-dhaw sida masaajidka Turkiga, waxaana gacanta lagu soo dhigay Shan Nin oo hubeysan hubka Qoryaha AK47 ,Bustoolad iyo Tooreey, kuwaas oo dadka Shacabka ah dhac u geysanayay.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in mamaulka degmada iyo laamaha Amniga aysan u dul qaadan doonin dadka dhaca mobeelada ka geysanaya Xaafadaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Waxaa uu ugu baaqay bulshada dagan dagmada Kaaraan  iney la shaqeeyaan maamulka si looga hor tago tuugada iyo burcada  dhibaatada ku heeysa, isla markaana ay soo sheegaan.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli maalmihii la soo dhaafay dadweymaha ku nool xaafadaha qaar ee degmada Kaaraan ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanaya.