Jarmalka oo ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala baxay Afghanistan

Dowladda Jarmarka ayaa sheegatay inay kala baxeen ciidmadeedii dalka Afghanistan kaga jogay Nabad ilaalinta 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca Jarmarka ayaa lagu yiri “ waxaa Afghanistan kasoo baxay qeybtii u danbeysay ciidmaddii Jarmarlka ee  dalkaas u joogay Nabad ilaalinta.”

Ciidmada  Jarmarka ee joogay dalka Afghanistan ayaa gaarayay 1,100 Asgari, waana waddanka labaad ee ciidmada ug badan geeyay Afghanistan.

Inta la ogyahay 59 asgari aya Jarmalka uga dhimatay  gudaha Afghanistan 20-tankii sano ee ay u joogeen Nabad ilaalinta.

Afghanistan ayaa noqotay dalkii  ugu horreyay ee  ciidanka Jarmalka ku galaan dagaal dhulka ah kadib dagaalkii labaad ee Adduunk.

Bartamihii  bishii April,  madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa ku dhaawaaqay in ciidmada dalkiisa  ka jooga Afghanistan laga soo saarayo bisha September ee sanadkan kuwaa oo wali ay socoto daad gureyntooda.