Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku Wajahan magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay olale la xariira doorashada Madaxweynaha, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Madaxda iyo Waxgaradka deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho oo uu uga qeybgalay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo laga soo saaray heshiis cusub.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu maalmaha soo socda tagi doono magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi.