Mareykanka oo soo dhoweeyay xabbad joojinta uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed

Mareykanka ayaa soo dhoweeyay xabbad joojinta ay dowladda Itoobiya kaga dhawaaqday gobolka Tigreega, halka Jabhadda Xoreynta Tigre ay shegeen inay sii wadayaan dagaalada ay ku xoreynayaan gobalka, iyadoo ay jirto digniino la xiriira macaluul ba’an oo ka taagan gobalkan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa arrinkan ku tilmaamtay tallaabo wanaagsan oo horseed u noqon doonto soo afjaridda colaadahii halkaas ka taagnaa, joojinta xasuuqyadii bani Aadanimo iyo oggolaanshaha marin u helidda gurmadka bani aadamnimo ee ku wajahan gobalka Tigre.

Mareykanka ayaa ugu baaqayo dhammaan dhinacyada isku haya gobalka Tigre  inay u hoggaansamaan xabad joojinta, si loo gaaro jawi wada hadal, oo horseed u noqda midnimada dhuleed ee Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku baaqday in si deg deg ah looga saaro dhammaan ciidamada Eriteriya dhulka Itoobiya.

Ilo diblumaasiyadeed oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in wafdi ka socda Waddamada Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ireland, Norway iyo Estonia ay soo jeediyeen in Golaha Ammaanka toddobaadkan ay ka yeshaan kulan furan oo looga hadlayo arrimaha gobalkaTigre.