Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ? (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee DFS Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammadi, oo ku booqday hoyigiisa.

Hassan Sheikh iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ka wada-hadlay xaalada dalka Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweynihii hore ee DFS ayaana uga mahadceliyay kaalinta dowladdiisa ee dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Waxaan maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Imaaraatka Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammadi oo hoygeyga igu soo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalinta dowladdiisa ee dib u dhiska Soomaaliya. Labadeena dalba waxay wada leeyihiin xiriir shacab oo soo jireen ah.”

Idilnews