Puntland oo ku eedeysay Farmaajo maalgalin sawir lagu difaacayo kooxda Al-Shabaab!!

Madaxtooyadda Puntland ayaa ku eedeeysay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, inuu dhaqaale ku bixiyay Sawir uu maanta soo bandhigay farshaxameystaha Amiir Caamir, oo la isaga horkeenayay Puntland iyo dadka deegaanada Koonfur Galbeed.

Sawirka oo ahaa mid lagu difaacayay Al-Shabaabkii ay dhowaan toogatay Puntland, ayaa lagu muujiyay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo xabad ku furaya Rag ku xir-xiran tiir, kuwaas oo ku hadlaya lahjada Mayga, dhahayana “ARIIROW SHABAAB MI IHI OO GARDARANTA”, taas oo la micno ah in Ragii dhowaan ay toogatay Puntland ay ahaayeen Dad Reer Koonfur Galbeed ah oo aan aheyn Al-Shabaab.

Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland Jama Deperani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Dalkan in khatar laga badbaadiyay wuxuu qof walba ogaanaya markuu arko Madaxweynihii wakhtigiisu dhammaaday oo Lacag ku bixinaya Alshabaab danbi qirtay oo xukun lagu fuliyey, in lagu difaaco dacaayad ku suntan Sawir-gacmeed! iyadoo laga beensheegayo xogta argagixisada la toogtay.”

Idilnews