Puntland oo marti-galisay Shir looga hadlayo xaalada Ayaxa ku habsaday Soomaaliya (VIDEO)

Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada Dowladda ka qabsoomay shir kusaabsan xaalada ayaxa ee Soomaaliya kaas oo ay kasoo qaybgaleen madaxda ka socotay wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha Beeraha ee dawladaha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland iyo Koonfur-galbeed kulanka ayaa kusaabsanaa midaynta iyo isku xirka howlaha xakamaynta Ayaxa ee guud ahaan Soomaaliya.

Shirka waxaa furitaankiisii ka qaybgalay kusimaha wasiirka wasaaradda Deegaanka Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle, wasiir kuxigeenka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL Marwo. Saynab Ismaaciil Maxamed “Tiimbiye” iyo agaasimeyaal ka socday wasaaradaha beeraha ee heerka dawlada federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay soojeedino kusaabsan xaalada Ayaxa, howlaha caabinta ayaxa, baqdin laga qabo musiibo ayax oo markale kuhabsata dalka iyo sidii wadajir ay dhamaan dhinacyadu uga wada qaybqaadan lahaayeen xakamaynta iyo ladagaalanka ayaxa waxaana dhamaan la isla afgartay in sare loo qaado howsha caabinta ayaxa iyada oo la midaynayo dadaalada loogu jiro ciribtirka iyo hoos u dhigista dhibaatooyinka ayaxu uu kuhayo guud ahaan Soomaaliya.