Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $445 Milyan (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaalia Kristina Svensson ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku kacaya 445 Million oo dollar oo Bangiga aduunku ugu deeqay Soomaaliya si looga fuliyo mashaariic horumarineed.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale kala hadlay Kristina Svensson maamulaha Bangiga Aduunka ee Soomaaliya dib u habeynta nidaamka Maaliyadda dalka.