VIDEO: Axmed Karaash oo ka qeybgalay Shirka Hannaanka Maamulka baahinta Puntland (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka Maamulka baahinta Puntland oo ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Puntland.

Shirka maamul baahinta Puntland waxaa ka qeybgalay Wasiirada Bah-wadaagta ku ah mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG iyo daadejinta adeega Dowladdaha Hoose ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha maamul baahinta ee Dowladda iyo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland, iyadoo la hubinayo adeegyada Dowladdu u qabato Bulshada.

Idilnews