Wasiir Beyle oo shaaciyay sababta Beesha Caalamku u jartay dhaqaalihii ay siin jiray DFS (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay jaratay qeyno kamid ah lacagihii ay ku kabi jirtay miisaaniyadda dowladda.

Waxaa uu sheegay in xilli walba oo la gaaro waqti ay doorashada ka harsan tahay muddo lix bilood ah ay dhaqaalaha jartaan Beesha Caalamka, balse dib loo soo fasaxo markii Madaxweyne la doorto oo uu nidaam cusub yimaado.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlaha mashaariicda ah oo ay Beesha Caalamka ka wadeen Soomaaliya ay sidooda u socdaan, balse kaliya la joojiyay lacagihii lagu kabi jiray miisaaniyadda dowladda.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan la guda galayo howlaha doorashooyinka Soomaaliya.