Howlgallo lagu xoojinayo Amniga oo ka socda deegaanada Puntland

Hawlgallo la xiriira xaqiijinta iyo dardar gelinta Amniga, ayaa ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Ciidanka Booliiska Puntland oo kaashanaya laamaha kale ee Amniga dowladda, ayaa hawlgallo ka bilaabay magaalooyinka ee Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo. Sidoo kale howlgalada ayaa ka socdo degmooyinka ka baxsan laamiga ee Gobalada Bari, Gardafuu, Sanaag iyo Mudug.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in hawlgalka lagu xoojinayo Amniga, islamarkaana lagu beegsanayo cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo xasiloonida Puntland.

Hawlgalladan ayaa ku soo beegmay, iyadoo horraantii todobaadkan Puntland dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo.