Madaxweyne Deni oo ka baaqday safarkii Baydhabo, kuna wajahan Kismaayo

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ku wajahan maanta magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweyne Deni oo Arbacadii la filayay inuu gaari magaalada Baydhabo ayaa ka baaqsaday, kaddib markii uu imaanshihiisa uu ka cudur daartay Madaxweynaha Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen oo culeys kala kulmaya Madaxweynaha muddo-xileediiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo kulamo la qaadan doona Madaxda Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, Waxgaradka iyo Siyasiyiinta.

Idilnews