Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay muhiimada 1-Luulyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo.

Waxaa sidoo kale xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu xusaayay Kowda Luulyo oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Kowda Luulyo ay tahay maalin qiimo badan oo dadka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dadaal bdan.

“Waaxan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.

Waxaan abaal u haynaa, ku faaneynaa, una duceyneynaa aabbeyaashii u soo halgamay, soona hooyay xorriyadda aan ku naallooneyno kuwaas oo guushaas ku gaaray isku duubni, wadajir, walaalnimo iyo is-jaceyl.