Sawirro: Dhuusamareeb oo si weyn looga xusay 1-Luulyo (VIDEO)

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu maamuusayey 61-aad guuradii kasoo wareegtay midnimada Soomaaliya iyo madax- bannaanida Gobolada Koonfureed tasoo dhacday Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Munaasabadan oo aheyd mid balaarran,
ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Guddoonka Barlamaanka,xubnaha golleyaasha dowlada, maamulka caasimadda, saraakiisha ciidamada, & qeybaha kala duwan ee bulshada.