Shir looga hadlayo la-dagaalanka maandooriyaha oo lagu qabtay Garoowe (VIDEO)

Shir looga hadlayo dardar-gelinta Amniga Gobalka Nugaal, ayna ka qeybgaleen Saraakiisha Ciidammada Booliska ayaa lagu qabtay Taliska Qeybta Booliska Gobalka Nugaal.

Shirka oo uu guddoomiyey Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Maxamuud Aadan Jaamac, ayaa intii uu socda tirada lagu saaray la-dagaalanka Maandooriyaha khamrida iyo Xashiiska iyo falalka kale ee lidiga ku ah Amniga.

G/Sare Maxamuud Aadan Jaamac, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal oo Shirka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa ka warbixiyay waxyaabihii Shirka kasoo baxay, Waxaana uu digniin u diray dadka ka ganacsiga Maandooriyaha.

Idilnews