Somaliland oo xayiraadii ka qaaday diyaaradda Fly Dubai (VIDEO)

Somaliland ayaa xayiraadii duulimaadyada ka qaaday Shirkadda Diyaaradaha Fly Dubia, sida uu Warbaahinta u sheegay Cumar Sayid, Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland.

Cumar Sayid ayaa sheegay inay soo buuxisay shuurudihii looga baahnaa oo ahaa in aysan ku shaqeyn karin amarka Soomaaliya, marka ay sugan tahay gudaha Somaliland.

Waxaa uu xusay in dhammaan diyaaraddaha ka shaqeeya degaanada Somaliland kaliyah ay qaadan karaan Amarka Somaliland.

Somaliland ayaa horay u xayirtay diyaaradda Fly Dubia kaddib markii ay sheegtay in ay jabisay amarka Somaliland.

Maamulka Hawada Soomaaliya waxaa hadda laga maamulaa Muqdisho oo Somaliland horay cabasho badan uga muujisay.