Taliyaha Booliska Gobalka Bari oo la kulmay Masuuliyiinta Qaxootiyadda Boosaaso (Sawirro)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta kulan isbarasho iyo xoojinta wada shaqeynta amaanka la qaatay Gudoomiyaasha maamula Qoxootiyada Yamaniyiinta iyo Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada Bosaaso waxana goob joog ka ahaa saraakiisha Ciidamada inta uu kulankaan socday ayaa la isla qaatay in ay ka wada shaqeyaan amaanka iyo caqabadaha ku imaankara Qoxootiyada si ay ula soo wadagaan Lamaha Booliska Gobalka Bari kadibna ay wax uga qabtaan.

Taliyaha Qeybta ayaa kula dardarmay in ay ku xirnadaan ciidamada Booliska si uu u dhexmaro wadashaqeeyn loogana hortago wax walba oo lidi ku ah amniga iyo xasiloonida Gobalka.

Kulankaan dhexmaray Taliye Xuseen iyo qar kamid ah qoxootiyada oo ku sugan magaalada Bosaaso ayaa waxaa kaloo ka qayb galy masuuliyiin ka tirsan wasarada arimaha gudaha puntland iyo hay”ada Kaalo oo arimaha qoxootiyada ka shaqeesa.