VIDEO: Shirka Amal Bank oo qalab caafimaad gaarsiisay Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug (Sawirro)

Shirkadda AMAL GROUP ayaa agab caafimaad ku taageertay Isbitaalka guud ee Gaalkacyo, agabka oo ay ka mid yihiin 160 haammo Oxygen oo saddex nooc isugu jira ayaa lagu wareejiyay xaflad ka dhacday hoolka hoteel Al Jazeera.

Waa wajigii koowaad, qorshe AMAL GROUP ay agab caafimaad ku gaarsiinayso deegaannada Puntland, sida ay shaaciyeen maamulka Shirkadda.