C/rixmaan C/shakuur oo baaq u diray Farmaajo iyo Rooble

Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo in ilaa hada uusan meelna ku sheegin masiirka dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Eritrea loo qaaday.

Abdirahman Abdishakur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidoo kale xusay in Guddigii uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble aan dib dambe loo maqal warkooda, Waxaana uu ugu baaqay Farmaajo iyo Roble inay waalidiinta Soomaaliyeed dib ugu soo celiyaan ilmahooda inta nool.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Abdirahman Abdishakur Warsame.

Ilaa iyo haatan madaxweynaha xilkiisa idlaaday meelna kuma sheegin masiirka dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Eritrea loo qaaday. Guddigii uu Raysalwasaaruhu magacaabay dib danbe warkooda looma maqal. Dawlada Maraykanka ayaa xaqiijisay in ciidan Soomaaliyeed oo Eritrea lagu tababaray ay gudaha Itoobiya ku sugan yihiin.

Waa in dawladnimo, diin, damiir, iyo waalidnimo midkood idin damqiyaa. Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo xukuumada xilgaarsiinta in ay waalidiinta ubadkooda intii nool u soo celiyaan, intii dagaal shisheeye ama dayac kale u dhimatayna uga run sheegaan.

Idilnews