Kulan looga hadlay dhismaha Golaha deegaanka degmada Bandar-Beyla oo ka dhacay Beyla (Sawirro)

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Cabdiweli Mire Xirsi oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, DPL mudane Jubba Cali Nuur ayaa kulan la qaatay Maamulka Degmada Bandar-Beyla iyo shaqaalaha Dawladda Hoose .

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa, Dardar gelinta Bixinta Canshuuraha, wada shaqeynta Dowladda dhexdeeda, isku xirka Bulshada iyo Dowlada, adkeynta amniga, iyo sidii Maamulka Degmada doorkiisa uga qeyb qaadan lahaa Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Bayla iyo wacyigalinta Hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiyeynta.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Karkaar, Agaasimaha waaxda maareynta masiibooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Cawil Bulle, Taliyaha Ciidanka madaxtooyada Gobalka Karkaar, Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Bandar-Bayla.