Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay in loo midoobo la-dagaalanka Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee  ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku shaaheynayeen dad rayid ah, kaasi oo ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ra’iisul Wasaare Rooble ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkan waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada.”

Warkaan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadayaa xilli dhowr jeer Magaalada Muqdisho ay qaraxyo ka dhaceen, isla markaan dowladda Soomaaliya aysan qaadin wax tallaabo ah.